エピソード

  • SBS News Somali: Warka Jimce 26 December 2025
    2025/12/26
    Dadweynaha Australia ayaa loogu baaqay inay ka digtoonaadaan budhcadda Internetka xilligan lagu jiro ee waxa ugu badan laga iibsado online. Dalka Algeria ayaa Faransiisa ka dalbaday raalli gelin iyo magdhow ku saabsan dhibaatadii uu geystey muddo 130 sano ah oo uu addoonsanayey.
    続きを読む 一部表示
    10 分
  • Somalia News - Warka Soomaaliya: Jimce 26 December 2025
    2025/12/26
    Doorashayoonkii golaha deegaannada Bendaadir oo ka qabsoomay Muqdisho iyo madax ka socota qaranka oo ka hadlay.
    続きを読む 一部表示
    11 分
  • SBS News Somali: Warka Arbaco 24 December 2025
    2025/12/24
    Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa ansixiyay sharciyo cusub oo lagu doonayo in lagu xaddido mudaharaadyada dhaca weerarro argagixiso. Sharciyada cusub ayaa mamnuucaya in mudaharaadyo la oggolaado ilaa 90 maalmood kadib marka uu dhaco fal argagixiso—iyadoo ay suurtagal tahay in mamnuuciddaasi ka hirgasho guud ahaan gobolka New South Wales oo dhan.
    続きを読む 一部表示
    11 分
  • Dhiig-karka qarsoon sidee lagu ogaan karaa?
    2025/12/24
    Kumanyaal qof oo Australiyaan ah ayaa laga yaabaa, inay qabaan dhiig-kar. Haddii aynu si kale u dhignana, laga yaaba in cadaadiska dhiigoodu sarreeyo, iyaga oo aan ogeyn—inkastoo ay suurto galba tahay inay soo mareen baaritaan dhakhtar. Daraasad cusub ayaa muujisay, in habka hadda loo cabbiro cadaadiska dhiigga, ama dhiig-karku, uu mararka qaar noqdo mid aan sax ahayn.
    続きを読む 一部表示
    6 分
  • Saameyntii 2025 ee siyaasadda iyo amniga Australia
    2025/12/24
    Siyaasaddaha Australia sannadkan 2025,, waxaa la yiraahdaa waxay ahayd, mid bilowgii horeba la sii saadaalin karayey iyo kuwo filanwaa noqdayba. Waxaa ka mid ahaa doorashadii bishii May, oo uu xisbiga Labor-ku dib ugu soo laabtay talada, isagoo guul ballaaran ku hantiyay, halka laba hoggaamiye oo mucaarad ah — Peter Dutton iyo Adam Bandt — ay labaduba lumiyeen kuraastoodii.
    続きを読む 一部表示
    23 分
  • SBS News Somali: Warka Talaado 23 December 2025
    2025/12/23
    Dacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaanshaha hubka.
    続きを読む 一部表示
    5 分
  • SBS News Somali: Warka Insiin 22 December 2025
    2025/12/22
    Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa dib loogu yeeray si ay u fariistaan labada maalmood ee, 22-ka iyo 23-ka Diseembar, si looga doodo arrimo kala duwan oo kuwada jira hal sharci oo keliya, kuwaas oo daba socda weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi.
    続きを読む 一部表示
    4 分
  • SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimce 19 December 2025
    2025/12/21
    Barnaamijkii Soomaaliga ee Jimce 19 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis waa laga reebay
    続きを読む 一部表示
    52 分