『S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?』のカバーアート

S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?

S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?

無料で聴く

ポッドキャストの詳細を見る
Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha qaranka. Wuxuu ka hadlayaa dadaallada loogu jiro maalgelinta howlgalka AUSSOM, guulaha laga gaaray diblomaasiyadda muddadii u dambeysay, iyo qorshaha kor loogu qaadayo miisaaniyadda wasaaradda si loo xoojiyo joogitaanka Soomaaliya ee caalamka.Sidoo kale wuxuu ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka, gaar ahaan mowqifka dowladda ee ku aaddan faragelinta shisheeye, diidmada saldhigyo laga dhisayo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland), iyo go’aankii laga qaatay heshiisyadii lala galay dowladda Imaaraadka Carabta.• Maalgelinta Howlgalka AUSSOM: Wasiirka ayaa sharaxaya ololaha diblomaasiyadeed ee loogu jiro xaqiijinta dhaqaale waara oo uu ku shaqeeyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.• Difaaca Xuduudaha: Mowqifka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo badda Soomaaliya.• Xiriirka Caalamiga ah: Sababta looga laabtay heshiisyadii Imaaraadka iyo codsigii loo diray 54-ta dal ee Afrika.• Miisaaniyadda Wasaaradda: Rajada laga qabo in kor loo qaado dhaqaalaha wasaaradda si loo taageero safaaradaha iyo qunsuliyadaha dibadda.Haddii aad rabto inaad fahanto jihada cusub ee diblomaasiyadda Soomaaliya, difaaca qarannimada, iyo qaabka loo wajahayo amniga dalka kadib ATMIS, qaybtaan waa mid muhiim ah inaad daawato!📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo: 1- Maalgelinta Howlgalka AUSSOM & Kaambaynta Diblomaasiyadeed 2- Difaaca Madax-bannaanida & Diidmada Saldhigyada Somaliland 3- Xiriirka Imaaraadka Carabta & Ka Noqoshada Heshiisyadii Hore 4- Kordhinta Miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda 5- Hoggaanka Midowga Afrika ee Howlgalka Amniga SoomaaliyaWareysiga waxaa wadajir u qaaday Mohamed Ibrahim (Fanah) iyo Alinur Salaad oo ka tirsan Dawan Media. Xuquuqda Xalqaddaan waxay u dhowran tahay Dawan Media.Ha hilmaamin inaad rukumato kanaalkaan si aad u hesho xogo noloshaada wax ka bedela.--------------------------------------------------------------------------------In this special episode of Miizaan Podcast, Somalia's Minister of Foreign Affairs, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay, provides an in-depth response to questions regarding the future of Somali diplomacy and the defense of national interests. He discusses the ongoing efforts to secure sustainable funding for the AUSSOM mission, recent diplomatic achievements, and plans to increase the Ministry's budget to strengthen Somalia's global presence.Additionally, Minister Dhaay addresses:• The defense of national sovereignty and the government's stance against foreign interference.• The rejection of foreign military bases in Northern Somalia (Somaliland).• The decision to withdraw from previous agreements with the United Arab Emirates following violations of sovereignty.• Diplomatic campaigns involving 54 African nations to support Somalia’s international standing.If you want to understand the new direction of Somali diplomacy, the protection of national sovereignty, and how the country is managing security transitions, this episode is essential for you to watch!📌 Key Topics Covered: 1- Funding the AUSSOM Mission & Diplomatic Campaigns 2- Defending Sovereignty & Rejecting Bases in Somaliland 3- Relations with the UAE & Reversing Previous Agreements 4- Budget Increases for the Ministry of Foreign Affairs 5- African Union Leadership in Somalia’s Security OperationsThe interview is hosted by Mohamed Ibrahim (Fanah) and Alinur Salaad, both from Dawan Media. All rights reserved by Dawan Media.--#Somalia #Diblomaasiyadda #AUSSOM #WasiirDhaay #MiizaanPodcast #DawanMedia #Madaxbannaanida #ForeignPolicy #somalinews Time code00:00 hordhac01:38 Guusha Soomaaliya ee gobolaha Nadaba modowga Africa11:47 Aqoonsiga Somaliland iyo difaaca xuduudaha 17:01 Istiraatijiiyada Badda cas ee dowladda21:08 Dowladda Soomaaliya sidee ayay u wajaheysaa aqoonsiga Somaliland24:11 Arinta ka bixitaankii Heshiisyadii Imaaraadka29:37 Xaalka AUSSOM ee ka bixitaanka Soomaaliya 35:13 Howlaha wasaaradda iyo miisaaniyadda aan wax badan iska badalin39:46 gabagabo📍 Subscribe: / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa
adbl_web_anon_alc_button_suppression_c
まだレビューはありません