Xalqadan Irmaan Podcast, waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful”, oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya.
Maxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay.
Wareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya.
Xalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay.
Daawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya.
Chapters / Timestamps
00:00 Hordhac
02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi
12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka
15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka
18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska?
22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay?
24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska
28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka
33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay
43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya
52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan
59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay
1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful
1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska
1:14:45 Gabagabo